Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka dowlada oo soo bandhigay rag ka soo goostay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada DF ayaa degaanka Ceel baraf ee gobolka Sh/dhexe ku soo bandhigay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo isku soo dhiibay ka dib markii degaankaas laga saaray Al-shabaab.

Xubnaha isa soo dhiibay oo iskugu jiray odayaal iyo rag dhalinyaro ah ayaa waxay Al-shabaab u qaabilsanayeen howlo kala duwan oo isugu jireen howlo kala duwan oo ay ka mid yihiin Sakawaatka, Garsooreyaal,darawalo iyo ciidanimo.

Xubnaha isa soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay magacyadooda ku sheegeen sidatan:-

1-Maxamed C/llaahi Xassan (Bataati)
2-Nuur xaamud Shiikh Abiikar
2C/raxmaan Jiirow Dheere (Soko)
4-Maxamed Cusmaan Yalaxow (Mahdi)
5-Maxamed Cali Xuseen (Gacmadheere)

Xubnahan ayaa qaarkood ku jiray Al-Shabaab hal sano, halka qaar kalena ay ku jireen 10 illaa 11 sano sida ay u sheegeen warbaahinta

Related posts

Maxaa kala duway Maalintii la doortay Farmaajo iyo maanta uu mudo xileedkiisu dhamaaday ?

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay Lacagta Sanadkan xajka ku tagayaan dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Maxaa caawa ka socda degaanka Beerayabaal ee Gobolka Hiiraan?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---