(Sawirro) Wasiir Fiqi oo booqanaya Pakistan & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa safar maalmahan ku maraya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistaan isagoo la kulmay mas’uuliyiinta iyo hay’adaha sare ee dalkaasi qaarkood.

Wasiir Fiqi oo horkacaya wafdi matalaya hay’ado badan oo heerarka dowladnimada Soomaaliya ah ayaa inta uu dalkaasi joogo waxaa uu yeeshay, welina sii wadaa kulammo iyo doodo la xiriira wax ka ogaanshaha khibradda Pakistan ee arrimaha qaran dhiska, dhaqangelinta federaalka, sameynta dastuurka, xallinta khilaafaadka ee dowladda dhexe iyo maamullada hoos yimaada, maamul daadejinta, wax qabadka baarlamaaniga ah, dib u heshisiinta iyo wada xaajoodyada, la dagaalanka argigixiaada, diiwaangelinta dadweynaha, ka qeybgalka haweenka ee arrimaha dowladnimada iyo qaar kale.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee safarkan qeybta ka ah, wax badanna kasoo faa’idi doona khibradda Pakistaan ee 75 sano oo dowladnnimo ah waxaa ka mid ah wasaaradda cadaaladda, Wasiirrada arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada, hay’adda NIRA iyo xafiisyo kale.

- Advertisement -