Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii Golaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu ansixiyey degmooyin cusub (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa gudoomiyay Shirka aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Howlgallada lagu ciribtirayo kooxda alshabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dadaalada dowladda iyo shacabka ay isaga dulqaadayaan wax loogu yeeray kooxdan halista ku ah nolosha iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyay qabashada iyo xoreynta maanta ee degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedinta dhismaha degmooyin cusub oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo golahu ay dood adag ka yeesheen hirgalinta dhismaha degmooyinka cusub waxayna Golaha Xukuumada meelmariyeen degmooyinka Gamboole iyo Farlibaax inay ka mid noqdaan degmooyinka cusub ee Hirshabeelle.

Related posts

Xildhibaanada Mooshinka wada oo dalab culus u diray dowladda Itoobiya (Akhriso)

Caydiid Ali

Cabaqad adag oo soo wajahday howlgalka cusub AUSSOM

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka malaga yaabaa in Ciidamo lamid ah kuwii ay geesay Galmudug ay u dirto….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---