Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ruun Nirgood

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa goordhaw la wareegay deegaanka Ruun Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, deegaankan ayaana sannado badan waxaa gacanta ku hayay Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ee hoggaaminaya howlgalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegay in ciidamada goordhaw galeen deegaanka Ruun Nirgood, oo ay isaga baxeen kooxda Al Shabaab.

Qabsashada deegaanka Nuur Irgood ayaa dhabar jab weyn ku ah kooxda Al Shabaab, waxaana deegaankan uu ahaa deegaanka ugu muhiimsan uguna weyn ee xilligan Al Shabaab ka joogaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horey ula wareegay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada doonayaan in Al Shabaab gabi ahaan ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -