Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

(Sawirro) Cali Guudlaawe iyo Max’uud Macalin Cabdulle oo labo arrin ka wada hadlay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Gudoomiyaha.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku Xigeenka Wasaaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin Mudane Xasan Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Gudoomiye Ku Xigeenka arrimaha Siyaasada ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta alshabaab.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka aadka liita ee u baahan caawinta.

Madaxweynaha ayaa hay’adda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

Soomaali 25 jir ah oo lagu soo oogay dacwada dilka Xildhibaan David Amess

Caydiid Ali

HOLLAND: Urur Soomaali ah oo kaalinta 2aad ka galay tartan loo qabtay 346 ururo

admin
Taboola Ads ---