Maxaa looga hadlay kulankii Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia? (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF  Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowad ee Hindise sharciyeedka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Fderaalka Soomaaliy, Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa Sanatarrada Golaha Aqalka Sare akhrinta koowaad u dulmaray, iyadoo intaas kadin Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ku wareejiyay Guddigii ku abaarnaa shaqadaas, si ay uga soo gutaan waajibaadkooda shaqo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa fadhigii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxa uu shahaado sharaf ka timid Sanatarrada Haweenka guddoonsiiyay xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cali Maxamed Jaamac.

Shahaada sharafta lagu maamuusay xogahaye Cali Jaamac ayaa ka tarjumaysay hoggaamintiisii wanaagsaynd ee Aqalka Sare iyo dadaalkii uu geliyey horumarinta Golaha Aqalka Sare

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Sooyaalka Aqalka Sare uu baal dahab ah ka geli doono, Mudane Cali Maxamed Jaamac doorkii uu ku lahaa dhsmaha Aqalka Sare, iyada oo Sanatarrada iyo xoghayaha cusub ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee uu soo qabtay Cali Jaamac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -