(Sawirro) Qoorqoor oo ku laabtay Dhuusamareeb ka dib markii uu ka soo qeyb galay..

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib safar gaaban oo ku tagay dalka dibadiisa.

Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku sugnaa mudooyinkan magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti oo uu kaga qeybgalay munaasabad nikaax si heer sare ah loo soo agaasimay oo dhowaan ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Munaasabaddaas oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Raā€™iisul wasaarayaashii hore ee XFS, madax iyo masuuliyiin kale ayaa aheyd munaasabad dhaqan,Ā  halkaasoo uu ka dhacay nikaaxa Xil. Saadaq Cumar iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -