Aisha Mohammed oo noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee noqota Wasiirka Difaaca Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha magacaabay Wasiiro ay ku jiraan haween tiro badan oo qaarkood loo dhiibay Wasaarado muhiim ah.

Golaha Cusub ee Wasiirada uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo gaaraya 20- Wasiir ayaa kala bar in ku dhaw waxa ay yihiin haween , waxaana uuna aad u dhimay Golaha Wasiirada oo markii hore ahaa 28- Wasiir.

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Wasiirka cusub ee Difaaca Itoobiya u magacaabay Aisha Mohammed Musa , waxa ayna Aisha noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee qabata xilka Wasiirka Difaaca.

Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale Wasaarado muhiim ah ka heshay Golaha Wasiirada cusub, Waxaana Abiy Ahmed Wasiirka Maaliyada u magacaabay Ahmed Shide oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Soomaalida Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalkaasi qabtay ka sameeyay isbedelo waa weyn, waxaana Itoobiya laga dareemay iyo waliba geeska Afrika isbadalka uu hormuudka u yahay Abiy Ahmed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -