Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Joogtada oo kulan deg deg ah ka yeelanaya Mooshinka Jawaari laga gudbiyay

Guddiga Joogtada ee Galaha Shacabka ayaa la filayaa saacadaha soo aadan in kulan deg deg ah ka yeeshaan saacadaha soo aadan Mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka  kasoo gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan .

Kulanka deg dega ah ay yeelanayaan Guddiga Joogtada ayaa la filayaa in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa, waxa ayna Guddiga ka doodi doonaan sida loo maareenayo mooshinka gudoomiyaha laga soo gudbiyay.

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka arinsan doono in mooshinkan loo gudbiyay Xildhibaanada golaha shacabka iyo in kale, waxaana la filaaa in kulanka Guddiga marka uu soo dhamaado go’aano ay kasoo baxaan.

Mooshinkan laga gudbiyay Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa saxiixay Xildhibaano ka badan 100-Xildhibaan, waxaana mooshinkan wal wal Siyaasadeed ku abuuray Jawaari.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la aamisan yahay in mooshinkan wax ka wado abaabulkiisa, waxaana xildhibaanada Mooshinka saxiixay qaarkood xalay lagu arkayay xarunta Madaxtooyada.

Jawaari ayaa wajahaya mooshinkii ugu adkaa tan iyo markii uu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doortay shan sano kahor, waxa uuna Jawaari wadaa abaabulka sidii uu u fashilin lahaa mooshinkan laga gudbiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre & golihiisa wasiirrada oo ka qayb galay Xuska Aasaaska Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ka mid noqo ardayda wax ka barata dugsiga Amiin Quran oo hel waxbarasho tayo leh adigoo Gurigaaga jooga

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Habkii loo dilay Wariye Jamaal Khashoggi iyo Fashilka Sacuudiga !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---