Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Al-Shabaab .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ee jooga Xudur in aysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreeynaayo kooxda Al Shabaab ee godoomiyay gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe oo shalay gaaray magaalada Xudur ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada , waxa uuna halkaasi u tagay abaabulka howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabaaldegyo ka socda Afghanistan iyo Maamulka Taliban oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Britain oo ka fiirsanaya inay joojiyaan hubka ay ka iibiyaan Israa’iil

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka XDS iyo AMISOM (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---