Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay maamulada Xudur iyo Tiyeeglow? (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan la qaatay maamulka degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo maamulka Gobolka Bakool.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Bokool Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur (Isneek), guddoomiyeyaasha Degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow, Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Xudur ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyey xaalada gobolka iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay tilmaameen in deegaanka uu u baahan yahay waxbarasho tayo leh, adeeg caafimaad iyo adeegyada kale ee dowladda, waxayna xuseen in degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan gobolka gacan laga siiyo sidii ay isaga xorreyn lahaayeen al-shabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka gobolka Bakool ku boggaadiyay sida laab furnaanta leh ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa waxaana uu ku taageeray go’aanka ah ciribtirka Kooxda Khawaariijta oo deegaannadan muddo dheer ay go’doomiyeen, isagoo adkeeyay in Kooxda Nabadiidka ah Al-Shabaab laga xorreeyn doono dhammaan degmooyinka gobolka Bakool iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -