Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Maxkamadda gobolka Faafan ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee Xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta dalka Itoobiya.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay xildhibaanad Juweriya.

Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo.

Rasaasta ay ku geeriyootay Juweriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweyriya ka doontay garoonka.

Askarigan ayaa qirtay inuu si bareer ah u toogtay Xildhibaanada ka dib markii ay is afdhaafeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -