Allbanaadir.com
NEWS

Tartanka iibka Qandaraasyada Dowladda ee Laamaha Amniga oo la Daahfuray (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay arrintaan ay muujinayso xoojinta iyo kor u qaadid hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada Dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya.

Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo dhimasho & dhaawac geystay oo lagu weeraray ciidamada AMISOM

Caydiid Ali

Daawo:-Madaxweyne Lafta gareen ” Madashan aan isku nimaanay nasiib darro lama wada imaan !!

admin

Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay Maamul DF kaga dhawaaqday Gobolka Gedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---