Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiilka Madaxweyne Museveni oo baahiyay qoraal hadal heyn badan iyo Shaki abuuray

Wiilka curadka u ah madaxweynaha dalka Uganda ayaa bartiisa Tiwitterka ku baahiyay qoraal hadal heyn badan abuurtay, waxaana qoraalkan si weyn uga falceliyay dadka u dhashay Uganda .

Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa mar kale abuuray hadal heyn dhinaca baraha bulshada, waxa uuna wiilkan bartiisa gaarka ah ee Twitterka ku baahiyay in uu aabihiis bedelayo haddii ay Like badan siiyaan dadka reer Uganda ee ku xiran bartiisa.

“Haddii aad likes badan isiisaan waxaan beddelayaa aabbahey” ayuu qoray wiilka Madaxweynaha dalka Uganda, waxaana fariintan ka falceliyay dad badan kuwaa oo horey u qabay shaki iyo tuhun la xariira in wiilkan aabihiis bedeli doono.

Wiilka Madaxweyne Museveni ayaa sida uu filayay u noqon weysay, waxa uuna farriintan ku helay Like aan sidaa u badneen, waxaana dadka reer Uganda badi muujiyeen in aysan rebin xukun dhaxaltooyo ah.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa talada dalkaasi haya tan iyo 1986-dii, waxaana madaxweynaha la sheegay in wiilkiia curadka oo ah Jeneraal u carbinayo sidii uu xilka madaxweynaha ugala wareegi lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay Sababta ay u toogteen Yaasiin Maxamuud Cumar

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxkamad nin Maraykan ah ku heshay inuu dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil galabta loo geestay Abuukar Qaasim Toshiba 

admin
Taboola Ads ---