Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada oo howlgal ku dilay 7 ka tirsan Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degaanka Buulo-xaaji oo hoostaga Magaalada Kismaayo ay ku dileen ilaa todoba ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab ayna burburiyeen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen.

Sarkaalka hogaaminayay howlgalkaasi oo lagu magacaabo Col. Cali Goosaar ayaa sheegay in howlgalkaas uu ku dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

“Waxaan burburinay saldhig cadowga uu ku lahaa Buula-xaaji, meydadka aad arkaysaan waa taliyahooda iyo guddoomiyahoodii tuuladda, anaga wax khasaare ah nama soo gaarin, dhimashadooda waa todoba nin”. ayuu yiri Col. Cali Goosaar.

Al-Shabaab kama hadlin arintan, iyadoo howlgalkan uu ku soo aaday xili bilahan dambe ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay sii xoojiyeen howlgalada ay kula dagaalamayaan Xoogaga Al-shabaab ee ku sugan hareeraha magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Atul Khare oo Muqdisho soo gaaray

Cabdi Cade

Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah faahin:- Dagaal lagula wareegay Degmada Mataan ee maamuleysay Ahlu Sunna & Dacwadii Xildhibaan Cawil Daad !!

admin
Taboola Ads ---