Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubin Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Maxkamad ku taalla magaalada Baydhabo ayaa xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday xubin ka tirsana Al-Shabaab

Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin) ayaa Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kaga biiray kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamada,

Waxaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab qaraxyada kala shaqayn jiray, si gaar ahna tuurida bambo gacmeedyo lagu weeraray xaafadaha Magaalada Baydhabo qaarkood.

“Xaafada Bunbashar ayay 27/10/2022 ee sanadkan ciidanka nabad sugidu iyo Sirdoonka konfur galbeed ka soo Qabteen isagoo bam ku tuuray goob ay ciidanka amaanku joogeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maxkamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Madaxweyne Ruto oo sameeyay ballanqaad ay Soomaalida ku farxeen

Cabdi Cade

Muxuu wasiir Wartaag ku soo arkay Matxafka Marshal Tito? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Milateri ah oo la dhigay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---