Allbanaadir.com
NEWS

DF oo joojisay in Shaqaale Soomaaliyeed dibadda loo dhoofiyo meeshana ka saartay ruqsado horey…

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku joojisay in shaqaale Soomaaliyeed dalka dibadiisa loo dhoofiyo, waxa ayna wasaaradda meesha ka saartay ruqsado horey loo siiyay shirkaddo dadka dhoofin jiray.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu cadeeyay in waxii ka dambeeya 15-kii bishan la joojiyay in shirkad ama hay’adda dalka ka dhoofiso shaqaale Soomaaliyeed oo xoogsato ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale baabi’isay ruqsadihii iyo shaktiyadii horey loo siiyay hay’addo iyo shirkado dadka dhoofin jiray, kuwaa oo la faray in dib usoo cusbooneesiistaan ruqsadahooda marka wasaaradda dejiso habraaca cusub ee adeegga shaqaaleesiinta dibadda.

Shirkaddo ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa shaqaale u badan gabdho xoogsato ah u diri jiray qaar kamid ah dalalka caalamka gaar ahana kuwa Carabta, waxaana wasaaradda oo la wareegay wasiir cusub doonayaa in arrimahan dib u eegis ku sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kanaal biyihiisa isku beddeleen casaan iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay sida laga yeelayo Ajaaniibta katirsan Daacish

Cabdi Cade

Dad lala xiriiriyay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---