Booliska Somaliland oo War ka soo saaray qarax la sheegay inuu ka dhacay Hargeysa

Booliska magaalada Somaliland ayaa goor dhow war ka soo saaray warar soo baxay goor dhow oo sheegayey inuu qarax ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inuusan waxa qarxay aysan aheyn bam iyo wax laa mid ah balse uu ahaa taayer oo ku qarxay goomiiste lagu hagaajiyo taayerada gaadidka halka qof oo halkaas kla shaqeynayey ayeyna sheegeen inuu ku dhaawacmay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA.

Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.

Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarlye ama Goomayste Ku yaala oo banjarinaya Taayer ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen, kaas oon ahayn wax dibada kaga yimid waxaana dhawac fudud  soo gaaray Banjarlyihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa.

Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday.

Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaaro ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba.

XAFIISKA WARBAAHINTA 
CIIDANKA BOOLISKA JSL.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -