Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhaweeyay caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa  gaaray Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga Fuliyey Caasimada, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee Udiyaar garoobey la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.

Magaalada Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, hasa ahaatee maamulka Madaxweyne Laftagareen iyo kii ka horeeyay ayaa xarun  u aheyd walina ku shaqeeyaan  magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xeer ilaaliyaha Puntland oo go’aan cusub ka qaatay xariga Siyaasiyiinta Mucaaradka

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaala oo lagu soo baarayo Sababtii keentay Bur burka Diyaaradii Itoobiya

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo u socda Xassan Shiikh & Xamse Barre

Caydiid Ali
Taboola Ads ---