Xeer ilaaliyaha Puntland oo go’aan cusub ka qaatay xariga Siyaasiyiinta Mucaaradka

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa maanta ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin ka mid ah mucaaradka ka horjeeda Madaxweyne Deni kuwaasoo lagu eedeeyey iney ku lug lahaayeen dagaal ka dhacay magaalada Garowe.

Qoraal uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran ayuu ku caddeeyay inuu ka laabtay dacwaddii soo xirista siyaasiyiinta kala ah; Maxamuud Shiddo, Xasan Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Maxamed Leysar.

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay warqadda dacwad kala laabashada siyaasiyiintan ayaa ka danbaysay kadib markii isfaham laga gaaray dagaalkii ka dhacay Garowe iyo xiisaddii la xiriirtay doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagnayd magaaladaas

Wadahadal dheer kadib, Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa labaduba aqbalay waan-waantii laga dhex waday si loo xalliyo xiisadda taagan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mabda’ ahaan aqbalay inay si nabdoon ku qabsoonto doorashada qof iyo cod isla markaana ay ciidamada ka saaraan magaalada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada Puntland ayaa sida la xaqiijinayo kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay xallinta xiisaddan oo lagu wado inay wada-hadal ku soo gebagebowdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -