Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhax dhisayo xerada Xalane iyo Wasiir kormeeray (Sawirro)

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta soo kormeeray Dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka Dalka, waxaana kormeerkaan ku wehlisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheikh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center)

.”Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dal walbo waxa uu horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa, waxaana Xaruntaan laga dhisi doonaa meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo Dalka, waxaana guul ah in Wadankeena helaayo Xarunta Keydka Xogta oo looga maarmi-doono in Dalal kale lagu haayo xogteena.

Related posts

Guddoomiye degmo oo ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyey & Xiisad ka dhalatay

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo dhaliilay Shirkii Madasha Iskaashiga Somalia, kana digay burbur dowladeed

Caydiid Ali

Nin hubeysan oo dad badan ku toogtay dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---