Daawo Sawirro laga soo qaaday deegaanka Wabxo ay la wareegeen Ciidanka huwanta

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo 15-sanno ah heesteen Al Shabaab.

Dagaal culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka deegaanka Wabxo ayaa ugu dambeyn suurto galisay in deegaankaasi si buuxda ciidamada huwanta ah ula wareegaan kana saaraan dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey u joogay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa fariisimo ka sameestay deegaanka Wabxo iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada isku diyaarinayaan duullaan kale ay ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaano hoostaga.

Saraakiisha iyo xildhibaanada hoggaaminaya ciidamada la wareegay deegaanka Wabxo ayaa sheegay in ay horey usii soconayaan uuna qorshaha ugu jiro in ay la wareegaan degmada Ceelbuur iyo deegaano kale oo hoostaga oo ku jira gacanta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -