Gabar markii ugu horeesay loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga

Wareegto kasoo baxday Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa kusimaha agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga loogu magacaabay Jihaan Cabdulaahi Xasan.

Wasiirka Wareegtada uu soo saaray ayuu ku sheegay in qibrada iyo aqoonta ay u leedahay howlaha Wasaarada Gaashaandhiga u xushay in gabadhan u magacaabo ku simaha agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Jihaan Cabdullaahi Xasan ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeesay oo agaasime ka noqoto Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana dad badan shaki galinayaan qibrada gabadhan u leedahay xilka loo magacaabay iyo waxqabadka ay la imana doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -