Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo qorshe uu wato taageero uga raadinaya safiirada reer Galbeedka ee Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda Netherlands/Holland u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Safaarada Netherlands.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Isbedelka Cimilada, Dimoqraadiyadda Puntland, Abaaraha iyo Maalgashiga .

Waxaa Kulanka kala qeyb galay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Deni ayaa sidoo kale kulmay Nairobi Safiirka cusub ee Dowladda Denmark u soo magacowday Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen iyo Madaxa Howlgalka Denmark ee Soomaaliya Gertrud Kummel Birk.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya sida Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda iyo Mashaariicda horumarin.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeyb galay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali

Warar hoose ayaa sheegaya in Deni uu inta badan safiiradaas kala hadlayey sidii dowladahooda ay dhaqaale ugu taageeri lahaayeen doorasho qof iyo cod ah oo uu doonayo inuu ka qabto Puntland inkastoo siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degaanadaas ay u arkaan talaabadaas mid aan suuragal aheyn oo lagu hoos qarinayo muddo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax lala beegsaday Maqaahi ku taalla Kismaayo iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya kooxo hubeysan oo saddex qof ku dilay Muqdisho

Caydiid Ali

C/qaadir Firdhiye oo amar adag soo saaray ka dib go’aankii ka soo baxay odayaasha SSC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---