Haween loo heysto dembiyo argagaxiso oo Maxkamad lagu soo taagay Demmark

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa la soo taagay Saddex dumar ah oo ka yimid Suuriya kuwaasoo loo haystaa dambiyo argagixisanimo iyo iney ka tirsanaayeen kooxda ISIS.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray xafiiska xeer-ilaalinta guud ee Denmark Haweenkan oo da’doodu kala tahay 33, 35 iyo 38 jir waxay ku noolaayeen guri ay daganaayeen Xubnaha ISIS ee Suuriya.

Saddexda dumar ah iyo 14 carruur ah ayaa laga soo celiyay Danmark xerada Al-Roj ee waqooyi bari Suuriya 7-dii Oktoobar. Haweenka ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markaas.

Laba ka mid ah haweenkan ayaa haysta dhalashada Denmark, halka ta saddexaadna ay haysato laba dhalasho, sidaas awgeed xeerilaalinta guud ayaa ku baaqday, in Danmark laga masaafuriyo.

“Marka la eego aragtidayada, haweenku waxay ahaayeen qayb muhiim ah oo ka mid ah ISIS iyada oo loo marayo qoyska iyo taageerada hawlgalka ee ururka argagixisada, taas oo gacan ka geysatey dhaqdhaqaaqyada ISIS,” ayuu yiri dacwad oogaha guud Jakob Nielsen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -