Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo xubno badan oo katirsan Al Shabaab ku dilay Deegaanka Ceel-bashiir

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay toban dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka dowladda in Al Shabaab u aheyd isbaaro, waxa ay sidoo kale sheegeen in bartan u adeegsanayeen go’doominta magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa sannado kaddib go’doomisay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna Al Shabaab diideen in magaaladaasi la geeyo raashinka quutul daruuriga , sidaalka iyo waxyaabaha kale ee bulshada muhiimka u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Rooble oo ku baaqay shir deg-deg ah oo looga arinsanayo amniga Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada Turkiga oo xir xiray Boqolaal qof oo laga shakiyay iyo howlgal wali socda

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee saaka ka dacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---