Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir caawa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Allaha u Naxariistee marxuum Siciid Xaashi Tooxow ayaa maalmahaan ku xanuunsanayey Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo caawa uu ku geeriyooday.

Madaxda sare ee Maamulka Hir-Shabelle ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulkaas.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo geerida marxuumka xaqiijiyey ayaa sheegay in wasiir ku-xigeenka oo Muqdisho ku sugan uu xanuun ku soo booday sidaasna lagu geeyey isbitaalka oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidamada Kenya oo shil dayuuradeed ku dhintay & DF oo ka tacsiyadeysay

Caydiid Ali

 Dhageysiga Dacwadihii loo heestay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo lasoo gabo gabeeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

14 arrin oo lid ku ah tanaasulka uu sheegtay Farmaajo & Rooble oo lagu wareejiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---