Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo tagay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa deegaaka kusoo dhoweeyay Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida waxa uuna bogaadiyay guulaha laga gaaray howlalada lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab .

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo Al Shabaab u ahaa xarun muhiim ah ayaa dhawwaan waxaa dagaal kula wareegay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, waxaana deegaankaasi booqasho ku tagay masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda iyo Hirshabelle.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgalada kawada gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa maanta Al Shabaab kala wareegay deegaano hor leh, waxa ayna kusii siqayaan degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ruun Irgood.

Related posts

Xamse Barre” Shirka COP-29 waa fursad qaali ah” (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Imran Khan oo xilka laga tuuray shirqool Mareykanka maleegay

Cabdi Cade

DEG DEG: Qarax ismidamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---