Khasaaraha ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii kordhay

Waxaa saakay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ifis , qaraxan ayaana lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah ay wateen ciidamo katirsan dowladda.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay labo qof halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowladda oo qaraxa lala beegsaday.

Dadka qaraxan waxyeelada kasoo gaartay ayaa u badnaa dad shacab ah oo ku sugnaa aaga uu qaraxu ka dhacay , waxaana dadkaasi ku jiray qoys ka koobnaa aabe, hooyo iyo carruur ay dhaleen uu haleelay qaraxa gaari ay la socdeen.

Maamulka degmada Dayniile iyo booliiska ayaan wali si rasmi ah uga hadlin qaraxan maanta ka dhacay degmada Dayniile, waxaana qaraxan imaanaya xilli wali dadka Muqdisho xasuusan yihiin qaraxii ka dhacay isgooska Soobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -