Wasaaradda Waxbarashada oo amartay in la fasaxo goobaha waxbarashada ee kuyaalla Muqdisho

Qoraal goordhaw kasoo baxay wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Faarax Shiikh Cabdiqaadir, ayuu ku amray in muddo saddex maalin ah la fasaxo goobaha waxbarashada.

Waxa uu wasiirka ku sheegay qoraalkiisa in goobaha waxbarashada la fasaxo muddo saddex maalmood ah, si ay ardayda Soomaaliyeed waqti ugu hesho in ay sii wadaan gurmadka loo sameenayo dadkii ay wax ku gaareen qaraxyadii Muqdisho.

”Iyada oo laga ambaqaadayo fulinta Warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ee degdegga ahaa ee uu Guddoominayay Reysal wasaare Xamse Cabdi, kaas oo qodobkiisa 4’aad dhigayay in goobaha waxbarashada la fasaxo muddo saddex maalmood ah, si ay ardayda Soomaaliyeed waqti ugu hesho sii wadista gurmadka socda ee loogu gurmanaayo dhibanayaasha, wax ka soo gaareen xasuuqi khawaarijta gaysteen. Sidaa darteed waxaan farayaa goobaha waxbarashada in la xiro, gurmadkana laga qaybqaato” ayaa yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada.

Ardayda dhigata Jaamacadaha iyo iskuulada kuyaalla Muqdisho ayaa wada dedaalo ay ugu gurmanayaan dadkii Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Soobe, waxa ayna ardayda dhiig u shubayaan walaalahooda dhaawacan ee isbitaalada yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -