Muxuu galabsaday Isgoyska mashquulka badan ee Soobe, Maxaase ku duugan..?!

  • 14,October 2017 Sabti -Zoope One.
  • 29,October 2022 Sabti.-Zoope Two.

-Isgoyska Zoope maxaa ku duugan.?
-Isgoyska Zoope muxuu galabsaday.?

  • Isgoyska Zoope:-wax ma galabsan, waxna kuma duugna, balse waa marin halbowla ah, oo muhiim u ah isu socodka dadka & gaadiidka, islamarkaana uu ku badan yahay ganacsigu, dhanka kalena waa Isgoys aad u mashquul badan waqti walba, taas ayaana sabab u ah iney Argagixisadu la beegsadaan Qaraxyo waaweyn oo khasaaraha ka dhashaa,ay sababi karaan cabsi iyo argagax ku dhaca bulshada.
  • MUXUU YAHAY XALKA WADADA ZOOPE.?

-Marka hore, Waa muhiim inaan isweydiino, maxaa keenaya saxmadda badan ee Isgoyskan.?

Horta Isgoyskani waxa uu marin u yahay degmooyinka ugu dadka badan G/Banaadir iyo Gobolka Sh/Hoose, sidoo kale waxaa ka ag dhow xarumo dowladeed, Kuwa waxbarasho, Cusbitaalo waaweyn, Hotelo iyo goobo ganacsi oo aad u badan, 30-kii sano ee u dambeysayna waxa uu ka mid ahaa Isgoys-yada ugu mashquulka badan Caasimadda, balse waxaad moodaa in waayadaan dambe looga sii daray,kadib markii wax ka bedel lagu sameeyay habka ay gaadiidku u isticmaalaan.

Sidaas daraadeed, Anigu waxaan qabaa in wadada laga qaado dhagxaanta sida qaldan loo dhigay, laguna soo celiyo Isgoyska sidii uu markii hore  ahaan jiray, ama ay u isticmaali jireen gaadiidku.

-Marka xiga, waa in wax laga bedelo marshabiyeediga dhexe oo ay Turkidu sida qaldan u dhistay, kadibna waa in wadooyin doceedyada soogala wadada weyn loo sameeyo marino ku toosan oo ay Gaadiidku si fudud uga soo gali karaan.

-Marka sadexaad, waa in Isgoyska iyo wadooyinka soo galaba, loo sameeyaa Ciidan Traffic ah oo si joogta ah uga howlgala, islamarkaana waa in ganacsiyada yaryarka ah ee ku ganacsada wadada hareeraheeda loo wareejiyaa goob kale oo ka fog Isgoyska. =Intaani Waa Aragtideyda.=

  • Intaa kadib, sida muuqata khasaaraha ay sababeen Qaraxyadii dhacay, ma aha wax la dhayalsan karo, waayoo Madino Hospital keliya ayaa laga soo sheegayaa in ka badan 75 Meyd ah in la geeyay. welina dad badan lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Sidaas daraadeed, “Xagalo Geel wax guntiga la geliyo ka weyne,” waa in dowladda, Saxaafadda iyo Ururada bulshada rayidka ah iyagoo iskaashanaya ay tirakoob Rasmiya ku sameeyaan khasaaraha ka dhashay musiibadan, si loo diiwaan geliyo taariikhdan madow, looguna gurmado dadka ay sida gaarka ah u saameysay, si la mid ah sidii loogu gurmaday dhacdadii 14-October,2017kii.

Finally, Allaha u wada naxariisto dadka ku geeriyooday, kuwa ku dhaawacmayna ha u booga dhayo, inta ku hanti beeshayna bedel kheyr qaba ha siiyo.Aamiin Aamiin.

C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)
Muqdisho iyo Soomaaliya

- Advertisement -