Daawo Sawirada: Sida quruxda badan Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Adis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdiga la socday garoonka diyaaradaha magaalada Adis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada dalkaasi, waxaana loo galbiyay hoteel gaar ah oo loo diyaariyay.

Madaxweynaha ayaa Adis Ababa uga qeyb galaya shirka Madaxda dalalka IGAD ay uga ka arrinsanayaan qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Ururka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -