Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saddex qodob oo looga hadlay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Somalia (Sawirro)

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka 2021/2025, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona.

Golaha Wasiirrada ayaa waxay warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican marayaan, lana dardargelin doono, iyadoo uu ka codsaday shacabka in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga.

Golaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka dhageystay warbixin la xiriirta Caabuqa Karoonaha, iyadoo sheegtay in xanuunku uu soo laba kacleeyay, isla markaana bulshada looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la iskula gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025, arrintan oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Xukuumadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo dab qabadsiiyay gaari Qaad badan siday, dadkii la socdayna dilay

Caydiid Ali

Shaafi Raabi oo muddo kooban lagu xiray garoonka dayuuradaha Aadan Cadde

Caydiid Ali

Booliska Turkiga oo xabsiga dhgay Ahmed al-Astal & sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---