Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Shiinaha oo Maxkamad lagu soo taagayo Mareykanka

Heyadaha amaanka iyo cadaalada ee dawladda Maraykanka ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay laba sarkaal oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin sirdoonka Shiinaha, kuwaasoo isku dayayey inay hor istaagaan baaritaan iyo dacwad oogis ay laamaha ammaanka ee Maraykanku ku wadeen shirkadda teknoolojiyadda Shiinaha ee Huawei.

Labada nin ee loo haysto kiiska shirkadda Huawei, oo lagu kala magacaabo Guochun He iyo Zheng Wang, ayaa lagu eedeeyey inay isku dayeen in ay tilmaamo siiyaan qof u shaqeeya dawladda Maraykanka, kaasoo ay u haysteen inuu la shaqaynayo, waxayna ka dalbadeen inuu la wadaago macluumaad sir ah oo ku saabsan baaritaanka ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.

Xogta ay rabeen inay helaan ayay ku jirtay, caddaymaha la horgeynayo maxkamadda, markhaatiyada iyo hadday jiraan eedo cusub oo lagu soo oogayo. Mid ka mida eedaysanayaasha ayaa bixiyey illaa $61,000 si uu xogta u helo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu.

Kiisaskan ayaa lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen masuuliyiinta ugu sarreeya hay’adda FBI-da iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka, waana arrin aan marwalba dhicin in masuuliyiinta labadan hay’adood ay wada qabtaan shir jaraa’id oo wadajira, hase ahaatee arrintan ayaa muujinaysa miisaanka ay leedahay iyadoo dhinaca kalena farriin u ah, ka hortagga galaangalka Shiinaha ee gudaha Maraykanka.

Waaxda caddaaladda ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo labadan nin, hase ahaatee ma cadda in illaa haatan lagu guulaystay in xabsiga la dhigo iyo in kale.

Washington ayaa muddo dheer ku eedaynaysay Beijing inay farogelin ku hayso siyaasadaha gudaha ee Maraykanka, iyaga oo xadaya sirta Maraykanka iyo weliba xogta ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -