Gen. Odawaa iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka oo heshiis cusub wada galay

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yusuf Raage ayaa la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Milliteriga ah ee ka dhexeeya labada dal, xilli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha militariga Saraakiisha ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan argagixisada bishii May ee sanadkan.

Talaabadan ayaa ku soo aadaya xilli labo maalin ka hor duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -