Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo booqday Prof Jawaari oo arrimo Caafimaad u jooga Turkiga (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Istanbul waxa uu ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo arrimo caafimaad u jooga dalka Turkiga.

Jawaari ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka warbixin ka siiyay xaaladiisa caafimaad iyo marxaladihii kala duwanaa uu soo maray intii uu ku xanuunsanaa Muqdisho iyo markii Turkiga loo soo qaaday kaddib

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu Guddoomiye Jawaari xaaladiisa ay aad u wanagsan tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu u siyaadiyo caafimaadkiisa.

Madax kala duwan oo isugu jirta kuwa hadda xil haya iyo masuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan magaalada Istanbuul ugu booqday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Jawaari oo arrimo caafimaad Turkiga loo geeyay.

Related posts

Jubbaland oo si Layaab leh uga hadashay Diyaaradii loo diiday in ay ku degto Garbahaarey

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii lala beegsaday Macalimuu iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir kana hadlay Sababta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---