(Sawirro) Isbitaalka Dalmar oo indho fiiqis & daweyn bilaash ah u sameynaya kumanaan qof

Waxaa si habsami leh uga socda Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho mashruuc daaweyn iyo indho fiiqis bilaash ah oo ay ka faa’iideysanayaan kumanaan qof oo ku nool gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa.

Barnaamijkan samafalka ah oo bilowday 19kii bishan Oktoobar, socona doona illaa 15-ka bisha soo socota ee Novembar ayaa waxaa iska kaashanaya Heyadda Al-Nur Foundation iyo heyadda caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan Xuduuda laheyn ee MSF (Medecins Sans Frontier) sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Howshan samafalka ah dadka ka faa’iideysanaya ay u badan yihiin barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaalla Muqdisho iyo dad danyar ah kuwaasoo aan wax lacag ah laga qaadeynin haba yaraatee.

“Mashruucan hadda socda waa kii 3aad ee aan sanadkan qabano waxaa inoo qorsheysan inaan baaritaan xagga arraga ah ku sameyno dad gaaraya illaa 10 kun oo qof, kuwaasoo qiyaastii 1,000 ka mid ah loo sameynayo qaliin indhaha loogu fiiqayo, halka inta soo hartay ee aan qaliinka u baahneyna la siinayo dawooyin iyo Muraayadaha indhaha (Ookiyaale) bilaash ah” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in kooxo dhaqaatiir ah oo ka socda Isbitaalka Dalmar ay ku howlan yihiin booqashada 98 ka mid ah xeryaha baracakayaasha si baaritaano loogu sameeyo dadka qaliinka u baahan iyo kuwa dawooyinka la siinayo.

Dr. Dalmar ayaa xusay in howshan samafalka ah ay qeyb ka tahay Mashruuca la dagaalanka indha la’aanta ee ay dalka ka soo wadeen 17-kii sano ee la soo la soo dhaafay, ayna illaa 45 mashruuc oo kan la mid ah ka fuliyeen mudadaas magaalooyin iyo degaano hoostaga Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur galbeed, Puntland iyo magaalada Muqdisho.

“Waxaan u mahad celinayaa heyadda caalamiga ah ee MSF oo fududeysay taaba-galka mashruucan, dhaqaatiir ka socotay dalka Pakistan iyo shaqaalaha Isbitaalka Dalmar oo iyana ku howlan fulinta howshan samafalka ah ee bulshada loogu adeegayo” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Xarunta Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar ayaa Mashquul fara badan maalmahan laga dareemayey, waxaana buux dhaafiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween ka faa’lideysanayey baaritaano, daweyn iyo qaliimo bilaash ah oo loo sameynayey.

Qaar ka mid ah dadka sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah oo warbaahinta la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey una duceeyey Maamulka Isbitaalka Dalmar oo si hufan ugu adeegay iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan waxtarka leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -