Shacab careysan oo qabtay dabley ka tirsan Al-Shabaab oo dil ka geysatay Muqdisho

Shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadur ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo isku dayay inay baxsadaan ka dib markii ay dileen askari ka tirsan Ciidanka Amaanka sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Dilka askariga ayuu afhayeenku sheegay inuu ka dhacay caawa agagaarka Kaawada Kabasiini oo ka tirsan Waaxda Nagayle, iyadoo ragga dilka geystay laga soo qabtay Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

“Labada dhagar qabe ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Amaanka ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaan la horgayn doonaa Maxkamad Awooda u leh, Ilaahay idiinkii” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta DF C/raxmaan Yusuf Al-Cadalla ayaa bogaadiyey talaabada ay shacabka degmada Kaaraan ku soo qabteen dableyda Al-shabaab,

“Labo ka mid ah Ciyaalka Naarta (Khawaarijta) oo dil ka gaystay degmada Kaaraan ayay Shacabku eryadeen ka dibna soo qabteen! Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Bulshada Kaaraan, Xaafadii inta qof lagu dilo la baxsado waa xujaysan tahay” ayuu Wasiir ku xigeenka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -