Guddoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo gaaray dalka Purkina Faso (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Purkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Purkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkaas oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkaas ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Purkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Purkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

Maalinta beri haduu Alle idmo Waxaa Dalka Purkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmi doona kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -