Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka Xoogga oo Abaabul Dagaal wada (Sawirro)

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa abaabul dagaal ka wada magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo taliyaha ciidanka ayaa magaalada Baydhabo waxa ay kula kulmeen saraakiil ciidan oo katirsan qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga ayaa saraakiisha ay la kulmeen waxa ay kala hadleen howlgalada ka bilowday qeybo kamid ah dalka iyo sidii ugu diyara garoobi lahaayeen dhankooda dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomalaiya iyo taliyaha ciidanka xoogga ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa ayna kala hadleen sidii deegaanada Koonfur Galbeed looga bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed waxaa awwood badan ku leh dagaalyahanada Al Shabaab , kuwa aoo goddoomiyay deegaano iyo degmooyin badan ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -