Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo arrimo xasaasi ah kala hadlay siyaasiyiinta beesha Habar gidir

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (qoorqoor) ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raisal Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble kuwaasoo ka kooban siyaasiyiin ka soo jeeda beesha habar gidir.

Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan

Iyadoo wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro ka mid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah al-shabaab.

Ilo wareedyo ayaa allbanaadir Online u sheegay in Qoorqoor uu xubnahan kala hadlayo sidii beesha uga qeyb qaadan laheyd dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ay ku sugan yihiin Ciidanka Itoobiya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay mashaqo ka dhacday India (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---