Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Shaaciyay sida Al Shabaab ku helaan xogta Kunteenarada Alaabaha ku raran ee Dekadda Muqdisho laga soo dejiyo

Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in ay lacago canshuur ah ka qaado ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecadaha kala duwan kala soo dega dekadda Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab helaan xogta ganacsade walbo alaabta usoo degta iyo inta ay ku fadhiyaan.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Jabriil, oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab loo gudbiyo xogta alaabaha u raran ganacsatada Soomaaliya ee alaabaha lasoo dega.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay marar badan soo gaartay cabasho uga timid ganacsatada Soomaaliyeed, uu tilmaamay in xogtooda inta uusanba markabka agabka u wada kasoo dhaqaaqin Shiinaha ama meelo kale lala wadaago Al Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta alaabaha u raran ganacsatada Soomaaliyeed Al Shabaab u gudbiyaan maraakiibta nimanka ka shaqeeya, waxa uuna xusay in cabasho laga keenay shirkadaha maraakiibta leh qaarkood hadda gacanta ku hayaan.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda dekadda iyo gaadiidka ayuu ugu baaqay wasiirka in tallaabo ka qaado waxna ka qabato qolyaha maraakiibta u kireesan ee xogta ganacsatada la wadaaga Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

ganacsiga

Related posts

(Daawo Sawirro) Siyaasiga ugu weyn Mucaaradka Deni oo lagu soo dhoweyey Garowe

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Magaalada Baraawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---