Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Kenya oo Xil muhiim ah u magacaabay Amiin Maxamed Ibraahim

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayuu ugu magacaabay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Amiin Maxamed Ibraahim, in uu noqdo agaasimaha waaxda dambi-baariska ee Kenya.

Ninkan Soomaaliga ah ee loo magacaabay agaasimaha waaxda dambi baraista Kenya ee loo soo gaabiyo magaceeda  DCI, ayaa horey usoo noqday madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Kenya.

Waaxdan agaasimaha looga dhigay ninka Soomaaliga ah ayaa dowladda Kenya u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, oo taageero badan ka helay xilligii ololaha doorashada ku jira siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa xilal muhiim ah ku abaalmarinaya Soomaalida kunool dalkaasi ee dowladda ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo ka qeyb galay caleemo saarka Paul Kagame (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Hub aan caadi aheyn oo saaka Shabaab laga furtay

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Aqalka sare oo si caro leh uga jawaabay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---