Madaxweyne Deni oo Garawe ka Daah-furay Bandhigga Carwada Shaqo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Bandhigga Carwada Shaqo oo Garoowe ka socon doonta muddo laba maalmood ah isla markaasina ay ka faa’ideysan doonaan boqolaal dhallinyaro ah iyo Shirkadaha ganacsi ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Madashan oo fursad shaqo u abuuri doonta dhallinyarada maadaama la isku xirayo dadka shaqo doonka ah iyo Shirkadaha shaqada bixiya waxaana maanta shaqo ku helaya 100 dhallinyaro ah oo aqoontooda lagaga dhex dooranayo Boqolaal kale, Iyadoo maalinta labaadna la filayo in dadkale fursado ka helaan 25-ka Shirkadood ee ka qeybgalaya Carwada Shaqada ee Garoowe.

Isagoo dhiirigelinaya Ganacsatada iyo Dhallinyarada hal-abuurka leh, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu qeybqeyb u booqday adeegyada iyo agabka ay madasha kusoo bandhigeen Shirkadaha Carwada ka qeybgalaya oo ay ka muuqato horumarka ganacsi, hal-abuur iyo xirfada dhallinyarada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah u furay Carwada bandhigga shaqo ee Garoowe, ayaa la wadaagay Bulshada in hirgelinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ka dhacaya Degmooyinka Puntland dhowaan ay dhallinyarada u tahay fursad shaqo iyo mid siyaasadeed, sidoo kale nidaamka Dimuqraadiyadu uu xoojin doono hannaanka Shaqaaleysiinta in uu noqdo mid daahfuran.

- Advertisement -