Somaliland oo Hargeysa ku marti gelineysa tartan ciyaaro yaab leh (Daawo Sawirro)

Wafdi ka socda urur ay leeyihiin dalalka aan la aqoonsan ee Caalamka ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana ay halkaasi kulamo kala duwan kula qaateen Mas’uuliyiinta maamulkaas.

Ururkan oo lagu Magacaabo CONIFA oo ay ku mideysan yihiin xiriirada ciyaaraha ee dalalka aan wali helin aqoonsiga ayaa waxay sheegeen in magaalada Hargeysa lagu qaban doono dhawaan Ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan iyo sidoo kale Shirweyne ay yeelan doonaan.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa wafdigaan maanta geeyay meelo ka mid ah goobaha loo diyaariyay in lagu qabto Shirka iyo sidoo kale Cayaaraha.

Duqa Magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay tilaabadda ay qaadeen dalalka aan la aqoonsan, isla markaana ay farxad galin doonto shirka iyo ciyaaraha dalalkaasi aan wali la aqoonsan in lagu qabto Hargeysa.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii shaacisay iney ka go’day Somalia inteeda kale, hase 28 sano ka dib caalamka kama helin aqoonsi dowladnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -