Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil loo geestay Maxamed Sheekh Xasan

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile ku dilay nin lagu magacaabo Maxamed Sheekh Xasan , oo la sheegay in uu ahaa askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen dilka loo geestay Maxamed Sheekh Xasan, oo ay tilmaameen in uu katirsanaa howlwadeenada wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan la toogtay xilli uu kasoo baxay gurigiisa kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana baxsaday kooxdii hubeesneed ee ka dambeesay dilkan ka dhacay degmada Dayniile.

Degmada Dayniile ayaa muddooyinkan waxaa kusoo badanaya dilalka ay Al Shabaab ka fuliyaan qeybo kamid ah degmadaasi, isbuucii hore ayeyna aheyd markii Al Shabaab qarax ku dileen agaasimihii samafalka degmada Dayniile Cabdullaahi Xiirey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay meel ka baxsan Xafiiskiisa (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u diray Dadkii kunoolaa Deegaan uu hadda joogo

Cabdi Cade

Go’aan culus oo ka soo baxay DF & Axmed Madoobe oo sheeko cusub keenay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---