Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xubin ka tirsanaa Al-Shabab oo isku dhiibay ciidanka Nabad sugida

Maamulka gobolka Bakool ayaa soo bandhigay xubin ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan gobolkaas

Maxamed Xasan Nuur oo Al-shabaab dagaalo badan kala soo qeyb galay ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka DF ee ka howlgala magaalada Xuddur.

Waxaa uu sheegay inuu muddo sanad iyo bar ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab, balse uu haatan go’aansaday inuu ka soo baxo kooxdaas.

Maxamed oo ka warbixiyey sababta uu Al-shabaab uga soo baxay ayaa sheegay inuu u dul qaadan waayey wax uu ugu yeeray ficillada guracan ee kooxdu ay kula kacayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay inuu muddo badan ku fekerayey inuu ka tago kooxda balse ay hadda u suuragashay isagoo xusay in ciidamada DF ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen.

Dagaalyahanada iyo xubnaha kale ee weli kooxdaas ku jira ayuu ugu baaqay iney isaga soo baxaan si ay u badbaadiyaan naftooda iyo shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/ramaan C/shakuur oo ka hadlay Heshiiska Qoor Qoor iyo Xaaf baaqna u diray dowlada

Cabdi Cade

Magaalada Zwolle [Holland] oo martigalisay tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qeybgaleen 8 kooxood [SAWIRRO]

admin

Ciyaarta Khaliijka – Imaaraadka oo Fashilmay, Qadar oon Is-dhiibin iyo Soomaaliya oo La Iibsan!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---