Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Baarlamaanka Ruushka oo u codeenaya arrin aysan ku farxin Waddamada reer Galbeedka

Khilaaf xooggan oo ka dhashay duullaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa soo kala dhax galay Xukuumadda Moskow iyo dowladahha reer Galbeedka , waxaana khilaafkaasi saameyn xoogan ku yeeshay labada dhinac.

Waddamada reer Galbeedka qaarkood ayaa cunaqabateeno adag kusoo rogay dowladda Ruushka, dhinaca kale xukuumada Moskow ayaa iyana qaaday tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah waddamada reer Galbeedka.

Baarlamaanka dalka Ruushka ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan qaraar uu dalkaasi uga baxayo in uu kasii mid ahaado  Maxamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub oo Ruushka xubin muhiim ah ka ahaa.

Kulan ay yeesheen baarlamaanka Ruushka ayey si aqlabiyad leh ku meel mariyeen labo qaraar oo hor istaagayey Maxamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub iney ka howlgasho gudaha dalka Ruushka.

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub oo magaceeeda loo soo gaabiyo ECHR ayaa loo aasaasay iney difaacdo xuquuqda muwaaddiniinta qaaradda, waxaana maxkamadda marar badan Ruushka ku eedeesay in ay geesteen xadgudbyo mudan in lagula xisaabtamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=6YvkXjBI3a4&t=121s

Related posts

Mid ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Gudoomiye Yariisow oo xalay saqdii dhexe kormeeray fariisimaha ciidamada ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shiikh Shaakir oo shaaciyey xeelad cusub oo looga hortegi karo fikirka Al Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---