Xilka Ka Qaadista Wasiirka Arrimaha Dibedda Ma Saameyn Doontaa Dib u Doorashada Farmaajo?

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku shaandheyn fudud ku sameeyey Golaha Wasiiradda ayaa xilka si kedis ah uga qaaday Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud xilli uu u dabaal-degayey sannadguuradii koowaad ee xilhayntiisa. Tillaabada oo ku soo beegmeysa iyadoo Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay isku hayaan dib u qaabeynta hawlgalka AMISOM ayaa abuurtay su’aallo.

Duruufaha magacaabida Cabdisaciid Muuse Cali oo in muddo ahba Maxamed Cabdirisaaq ay siyaasadda iskaga soo horjeedeen ayaa mugdi ku haraysan yahay. Isku shaandheynta wasaaradaha ayaa lafteedu ahayd qaab wax lagu daboolayey.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in muran hawleed uusan faahfaahin dhexmaray isaga iyo madaxda qaranka. Ilo wargaleyn ah ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaare Rooble oo cadaadis diblomaasiyadeed kala kulma erintii ku-xigeenka wakiilka Midowga Africa Simon Mulongo uu isku dayey inuu ka dhaadhiciyo wasiirka in arrinka si kale loo wajaho. Balse ma suuraggelin.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo malaha ka dhowrsanaya fadeexo siyaasadeed xilliga doorashada ayaa Maxamed Cabdirisaaq ka diiday inuu is-casilo. Wasiiraddii uga horreeyay wasaaradda, Yuusuf Garaad Cumar Axmed (January 2018), iyo Axmed Ciise Cawad (November 219), ayaa ku wada baxay muran.

Wasiir Maxamed waxuu xilka la wareegay November 2020, waqtigaasoo uu aad u liitay xiriirka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo reer galbeedka. Muddada sanadka ah ee uu xilka hayey waxuu ku guuleystay inuu beddelo aragtida dowladda Mareykanka ay ka qaybtay tubta Villa Somalia u marayso doorashooyinka, waxuuna dib u hagaajiyey sumcadda madaxweyne Farmaajo ee Washington.

Dhaleeceyn lidka ku ah ayaa sheegaysa inuu damcsanaa inuu xiriirka Masar ka hormariyo kan isbahaysatada seddex geesoodka ah ee Geeska Afrika. Shaqsi ahaan waxuu dagaalka Itoobbiya ka qabay mowqif la mid ah kii Axmed Ciise Cawad looga eryey xafiiska.

U magacaabida la taliyihii siyaasadda gobolka ee Midowga Yurub Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa u muuqata tab lagu raadinayo raaligelinta reer Yurub, taasoo Farmaajo ku ceshanayo madaxweynanimadda ka hor doorshada. Haseyeeshee, xil ka qaadista kediska ah waxay u muuqata mid saameyn halis ah ku yeelan karta dib u doorashada Farmaajo.

Ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in madaxtooyadu ka walaacday ku dhawaaqa Maxamed Cabdirisaaq u tartanka hoggaanka dalka xilli uu xilhaynta xafiiska ku sii kasban karo saaxiibo calami ah.

Si kastaba ha ahaatee, ku sii deynta Maxamed Cabdirisaaq suuqa siyaasadda uma muuqato mid xisaabtan siyaasadeed ku timid. Waxay si lama filayn ah daaqad ugu furtay ciyaar siyaasadeed hor leh. Waana midda laga la’aa Brussels, iyo Washington.

Xigasho Jamhuuriyada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -