(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha dibeda DF iyo dhigiisa Nicola Selakovic?

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada New York ee carriga Maraykanka kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Serbia Mudane, Nicola Selakovic.

Labada mas’uul ayaa waxay si qoto dheer ugu wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka ku aaddan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, nabad-gelyadda, tababaradda teknolojiyadda iyo iskaashi ku saabsan dhanka siyaasadda caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir wanaagsan aadna u sii horumarayay waayadaan dambe, kaas oo haatan wixii ka dambeeya noqonaya mid sii laba jibbaarma.

Kulanka wasiirradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Serbiya ayaa kusoo dhammaaday jawi farxadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa isla markaana loo joogteyn lahaa xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -